Jidadka Magaalada Muqdisho qaarkood oo maalintii labaad xiran & boqolaal qof oo..

Waxaa maalintii labaad xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay wadooyinkan xiran saameyn kala duwan.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, maadaama uu jiray kulan xasaasi ah oo ay lahaayeen Xildhibaano iska soo horjeeda oo ka tirsanaa Baarlamaanka kaasoo markii dambe qabsoomi waayey.

Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka mar kale xiran, gaar ahaan isgoysyada soo aada wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ka mid ah Isgoysyada Tarbuunka, KPP, Bakaaraha, Howlwadaag iyo qaar kale.

Boqolaal qof oo cagahooda maalaya ayaa lagu arkayaa jidadka xiran, kuwaasoo isugu jira arday, shaqaale, xoogsato, ganacsato iyo dad kale oo dano kala duwan u socda, iyadoo cadceeduna ay tahay mid aad u kulul.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta maanta ay wadooyinka qaar u sii xiran yihiin, maadaama shalay loo xiray kulankii Baarlamanka ee baaqday, saraakiisha amaanka dowladana weli kama hadlin arimahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -